Golaha Wakiilada Puntland oo dib u Dhigay La-xisaabtanka Maamulka Deni

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Kulankii Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland oo Maanta loo balansanaa ayaa dib loo dhigey, kadib markii Tiro oo Xildhibaano ah ayaa la baaqaaday waxeyna sheegeen ineysan qeyb ka noqon doonin buuq siyaasadeed…

Kulankaan ayaa waxaa hareeyay Guux badan oo ahaa in Xildhibaannadu ay kalsoonida kala laabtaan qaar kamid ah Wasiirada Qaarkood, waxaana dib loo dhigay Kulankii Baarlamaanka ee la xisaabtanka Maamulka Deni, kalfdhiga soo socda ee 51aad oo furmi doona 25-October.

Dhanka kale wararka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay isku raaceen in fursad la siiyo Madaxweynaha uu kusoo magacaabo Garsoorayaasha Maxkamada sare, xiligaana loo gudbo ansixinta wasiirada iyo garsoorka.

215640cookie-checkGolaha Wakiilada Puntland oo dib u Dhigay La-xisaabtanka Maamulka Deni