Howlgalada Shababka Iyo Degaanada Xuduudaha

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Somalida Kenya (Waqooyi-Bari) ayaa sheegaya Kooxda Shababka ay kordhiyeen weerarada iyo Howlgalada ay ka geysanayo Xuduudaha Somalia iyo Kenya, sida lagu sheegay warbixin xog ururin ah oo lagu daabacay bog ka faallooda kooxaha mintidiinta….

Weeraradaan ayaa iskugu jira Miinooyin dhul ka lagu aaso, weeraro Faadmo ah iyo dilal qorshaysan waxaana fuliyaan Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka, Toddobaadkii la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay qaadeen ugu yaraan 19 howgal oo ka dhacay Degaanada Xuduudaha Somalia iyo Kenya, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxda Shabaabka weeraradan u geysanayaan inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin degaanada ku teedsan Xuduudaha labada, iyagoo la sheegay iney ku leeyihiin il dhaqaale oo dhinaca canshuuraha ah (Baada).

68380cookie-checkHowlgalada Shababka Iyo Degaanada Xuduudaha