Ugaarsiga Waxgaradka & Biri-mageydada Gobolka Sool ee Magaalada Hargeysa Oo Kordhay…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay 25-kii bishii tagtay, waxaa magaalada iyo degaanada ku xeeran ka bilaawday Ugaarsi Waxgaradka iyo qeybaha Haweenka iyo Caruurta ee ka soo jeeda Gobolka Sool, iyadoo dilalka ay joogto ka noqdeen…

Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn Marxuum Cali Axmed Tarabi oo ahaa aabihii dhalay Cabdullaahi Cali Axmed oo bishii March lagu dilay Hargeysa, ayaa isna xalay lagu dilay magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyadoo wiilka iyo aabihiisba ay kasoo jeedeen Gobolka Sool.

Sida ay ilo wareedyadu xaqiijinayaan Cali Tarabi ayaa geeridiisa ay ka dhalatay markii Gaari si ula kac ah loogu jiirsiyay gudaha magaaladaas saqdii dhexe, wuxuuna magaalada ku sugaayay Xukunka Maxkamadda Hargeysa ka gaarto kiiska wiilkisii Cabdullaahi, meydka Marxuum Tarabi ayaa hadda yaala Isbitaalka Hargeysa.

275930cookie-checkUgaarsiga Waxgaradka & Biri-mageydada Gobolka Sool ee Magaalada Hargeysa Oo Kordhay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com