Showga Maxkamada Gobolka Benadir & Cadaalad Darrada Ku Gedaaman Maamulka Dowladda..

Somalia news

Tofobaadyadii ugu dambeeyay waxaa Maxkamada Gobolka Benaadir ka socday (Show) bandhigga Maxkamadeed ee la dagaalanka musuqmaasuqa, Showgasn oo khaladaad badan ka muuqdaan xagga Dooda iyo falcelinta Xeer ilaalinta iyo Qareenada isla markaasna ka hooseya Qiimeynta u adeegida Cadaalada…

Muwaadiniin badan ayaa aamisan in qorshahaani yahay mid lagu marin habaabinayo Shacbiga Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo ay moodayaan in Dowladda Federaalka ay dhab ka tahay la dagaalanka Musuq-maasuqa, balse xaqiiqdu ka fog tahay, iyadoo lagu tilmasmay wakhti lumis.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu oggolaaday in la baaro tiro yar oo Wasaarado ah iyo Hey’ado hoos yimaada lagana soo bilaabo Baarista Sanadkii 2018-kii, xilligaasi oo uu xilka hayay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Farmaajo, talaabadani ayaa u muuqata “Aargoosi Siyaasadeed”.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada ayaa ka digay in hal-ku-dhegga Madaxweynaha uu ahaado mid aan laga hortegin Nidaamkiisa xisbi beeleedka ku dhisan, In ka badan 30% dhismayaasha Muqdisho oo ku yaalla Hodan, Wardhiigley, Hawlwadaag, Towfiiq ayaa laga dhisay dhaqaale ka yimid Burcad badeedka iyo boob dhulal sharci darro ah. Hantida guud iyo kuwa gaarka ah ee “qabiillada degan” waxa qabsaday maleeshiyo beeleedyo degaanka ah kuwaasoo maalgeliyay Doorashadii Xasan Sheekh.

Wariye ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxa loogu yeero la dagaalanka musuq maasuqa ee ka socda Muqdisho “Markii tuug uu garsoore ka noqdo kiis la xiriira xatooyo, waxay la mid tahay cadaalad darada oo nolol cusub lagu soo rogo”. Koontada Bangiga Shaqaalaha Dawladda oo la baaray, In ka badan 100,000 US$ ayaa laga helay akoonkiisa, Sida uu lacagtaas ku helay isagoo uu bishii mushahar ahaan u qaadan jiray 800-US$ wax ka yar lacagta ku jirta akoonkiisa, Xildhibaan ku sugan Muqdisho oo aan khadka teleefanka kula hadlay ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxay qaabeyn kartaa dadka dhaliila iyadoo ku cabsi gelineysa dhaqaalaha iyo inay cadeymo ku shubtaan xisaabaadka bangiyada”.

273270cookie-checkShowga Maxkamada Gobolka Benadir & Cadaalad Darrada Ku Gedaaman Maamulka Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com