Howlgalo Amni Sugid ah Oo Gaalkacyo Laga Fuliyay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamo isku dhaf ah ay Howlgalo amni sugid ah si wadajir ah uga fuliyeen qeybo ka tirsan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada gaar ahaan Dhanka Konfurta iyo Waqooyiga….

Howlgalkaan oo ay wadajir u fulinayaan Xoogaga Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga waxaa ay ciidamadu ka sameeyeen waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoo unreclaimed Howlgalkaan lagu tilmaamay sidii labada Maamul Ee Magaalada iskaashi iyo xogo is-dhaafsi u yeelan lahaayeen.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkaan ayaa tilmaamay in Howlgalkaan loogu talo galay sugitaanka Amniga Gaalkacyo iyo sidii looga hortagi lahaa falalka Kooxda argagixisada shabaab ka gaystaan magaalada.

Saraakiisha ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland in ay la shaqeeyaan Ciidanka Boliiska ee markasta u taagan xaqiijinta Amniga.

111890cookie-checkHowlgalo Amni Sugid ah Oo Gaalkacyo Laga Fuliyay