Maxkamadda Gobolka oo Xukun Ku Riday NGO-Caalami ah oo ku Xad-gudbtay Xuquuqda Haweenka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dacwad muddo ka socotay Maxkamadda Gobolka Benadir, iyadoo lagu soo oogay Hey’ad Samafal oo ka howlgasha Dalka Somalia, iyadoo lagu eedeeyay iney shaqada ka eryeen Haweeney sabab la’aan sanadkii 2020-kii…

Wararka ayaa sheegay in Nasro oo Madax ka aheyd Hey’adda Samafalka Somalia wakiilna ka sh Hey’adda Badbaadinta Caalamiga (IRC), fadhigeedu yahay Dalka Mareykanka ayaa do sharci darro ah shaqada looga joojiyo, kiiskaan ayaa iftiiminaaya isku dheelitir la’aanta awooda Haweenka ee goobaha shaqada.

Nasra ayaa sheegtay in Shaqada looga joojiyay sabab la xiriira uur ay xiligaasi laheyd, waxeyna intaasi raacisay in Madaxa Xafiiska uu subaxdaasi soo wacay una sheegay iney shaqada iska casisho ama laba maalmood gudahood uu Qandaraaskeeda baa’bin doono hadii ayaan qaadan talada uu u soo jeediyay.

Garsooraha Maxkamada ayaa Nasra u xukuntay, joojinta lagu sameeyay ay aheyd mid sharci darro ah marka loo eego xeerarka shaqada iyo Madeniga, waxaana Hey’adda u xukuntay in inta Qandaraaskeeda ka dhimaneyd iyo qarashka Maxkamada.

214270cookie-checkMaxkamadda Gobolka oo Xukun Ku Riday NGO-Caalami ah oo ku Xad-gudbtay Xuquuqda Haweenka