Wararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalka Dhuusa mareeb & Suufiyada Oo Qabsatay Xafaado

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo aroortii hore ee saakay ka bilaawday gudaha magaalada Dhuusa mareeb, kadib markii ay soo galeen Maleeshiyaadka kooxda Suufiyada, isla markaasna uu dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in xalay xili dambe at magaalada soo galeen Maleeshiyaad ku hubeysan tiro Gaadiidka dagaalka, iyagoo si fudud ku qabsaday xaafadaha Waxar-cadde iyo Waaberi, iyadoo Dadka degaanka oo ku baraarugay daryaanka rasaasta, waxaa adag in sawir dhab ah laga bixiyo dagaalka socda.

Dagaalkaan ayaa ku soo beegmay iyadoo dhamaan Mas’uuliyiintii Maamulka Galmudug ay ku wada sugan yihiin magaalada Mogadishu kuna nashquulsan sidii dalaalnimo uga macaashi lahaayeen Xildhibaanada ay ka soo xuleen degaanada Galmudug, iyadoo uu istaagay dhamaan dhaqdhaqaaqii Ganacsiga, Dadkuna waxey u qaxeen dukeedka magaalada.

188490cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalka Dhuusa mareeb & Suufiyada Oo Qabsatay Xafaado
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com