Howlgalo Dhalinyaro Badan Lagu Qabtay Oo Ka Dhacay Degmada Kaaraan

Somalia news

Faahfahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal saacado badan qaatay oo ay Ciidamo ka tirsan Boliiska ay xalay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyagoo la sheegay iney ku soo qabqabteen tiro badan oo Dhalinyaro degmada degan…

Howlgalka ay ciidanka ka sameeyeen xaafadaha degmada Kaaraan ayaa la sheegay in lagu soo qaqabtay dad u badan dhalinyaro oo ay ku jireen burcad burcad hubeysan oo la sheegay in xiliyada habeenkii ah ay dhac u geystaan dadka shacabka iyo ciyaal la sheegay iney ahayeen kuwa habeenkii weereeya guryaha kuwaas oo cabasho xoogan ay ka muujiyeen dadka degan degmada Kaaraan.

Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Salaad Caraale oo hoggaaminaayay ciidanka xalay howlgalka ka fuliyay xaafadaha Kaaraan ayaa sheegay in dadkii ay howlgalka kuso qaqabteen ay isugu geeyeen goob barxad, islamarkaana lasii daayay qaar ka mid aheyd dhalinyarada oo dambi lagu waayay.

155100cookie-checkHowlgalo Dhalinyaro Badan Lagu Qabtay Oo Ka Dhacay Degmada Kaaraan