Waa Maxa Culeysyada Hortaagan Qabashada Doorashada Degaanada Puntland

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha DG Puntland uu dardar geliyay kulamada looga hadlayo dib u billaabista Doorashada Qof & Cod ah ee lagu tijaabiyay Degmooyinka Qardho, Eyl & Ufeyn 25kii October 2021…

Deni ayaa la kulmay xubno kala duwan sida Wasiiradiisa, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka, Bulshada Rayidka & Mas’uuliyiin kale oo dhammaan uu ka dhageystay macluumaad la xiriira sida loo qaban karo Doorashada Dadweynaha ku codeynayaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee looga hadlay Doorashada waxa uu Madaxweynaha DG Puntland la qaatay Siyaasiyiin, Bulshada Rayidka, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Tamarta, Macdanta & Biyaha.

Waa Maxay culeys Hortaagan Qabashada Doorashada

Puntland waxaa horyaalla caqabado kala duwan sida Amniga, Hagaajinta Xisbiyada, Abaarta & xal u helista deegaannada qaar oo diiwaanka Dowlad-Goboleedkaas ku jira oo ay isku hayaan Somaliland marar badana ay ku dagaalameen.

207100cookie-checkWaa Maxa Culeysyada Hortaagan Qabashada Doorashada Degaanada Puntland