Dhaqdhaqaaqyo Ciidamo Oo Laga Dareemay Degmada Boosaaso

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laga dareemayaa kacsanaan kadib markii madaxweynaha Puntland uu ka hor yimid go’aan kasoo baxay qaar katirsan Isimada Puntland, kuwaasoo ku howlanaa qaboojinta xiisadaha ka dhashay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimihii PSF…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ayaa laga cabsi qabaa iney weerar ku qaadaan xarunta Xoogaga PSF ee magaalada Boosaaso, iyadoo xaafaddaha magaalada Boosaaso ilaa xalay laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, oo dadka cabsi weyn ku abuurtay.

Qoysas badan ayaa ka barakacay xaafadda magaalada Boosaaso ay ka degen yihiin ciiddanka PSF, kadib markii maamulka madaxweyne Deni uu ciidamo dul geeyay talisyada PSF, taasoo u muuqata mid cadaadis lagu saarayo.

Ilo Wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Madaxweyne Deni ay ka go’an tahay inuu weerar ku qaado ciiddanka PSF, isagoo horey u diiday go’aankii Isimada Puntland ee ahaa in agaasimihii hore ee PSF lagu wareejiyo hubka PSF leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, dadka waxgaradka ah ee reer Puntland ayaa ku baaqay in laga baaqsado wax kasta oo keeni kara inuu dagaal dhaco, waxayna labada dhinac ugu baaqeen in la si xakameeyo oo loo turo shacabka iyo nabada la haysto.

155130cookie-checkDhaqdhaqaaqyo Ciidamo Oo Laga Dareemay Degmada Boosaaso