Hub & Rasaas Si Qarsoodi Ah Loo Soo Geliyay Mogadishu

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa 7-Kunteenar oo hub iyo Rasaas, kuwaasoo isuguna jira kuwa culus iyo mid Fudud ayaa si qarsoodi ah looga soo geliyay magaaladda Muqdisho, iyadoo shixnadaan laga keenay Magaalada Musawac ee Dalka Eritrea….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Hubkan waxaa keenay Dalka Eritrea, iyadoo loogu tala galay sidii loogu rari lahaa Magaalada Doolow Ee Gobolka Gedo inta kale lagu difaaco Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay hubkaan loogu talagalay in lagu caburiyo Shacbiga Magaalada Muqdisho, waxaana ku jira ilaa 300-Qorayaha Pkm-ka, kuwa Shiishka dheer (Sharp shooter guns) iyo rasaas u badan qoryaha Ak-47 iyo Dhashiikaha, waxaana la dhigay bakhaaro ku dhex yaal Villa Somalia.

87760cookie-checkHub & Rasaas Si Qarsoodi Ah Loo Soo Geliyay Mogadishu