Hubanti La’aan Hareeysay Kulankii Villa Somalia

Somalia news

Waxaa hareerayay hubaal la’aan ku saabsan in aanu berri qabsoomi doonin shirka loo balansanaa ee u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo xalay ay baaqatay casho sharaf ka dhici laheyd Madaxtooyada oo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ka qeyb geli lahaayeen….

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegaya in shirka uu si rasmi ah u furmi doono Maalinta Sabtida ee soo socota, si qodobo xasaasi oo taagan marka hore loo xaliyo labada maalmood ee soo socda oo Maamul goboleedyada dhexdooda iyo Villa Somalia.

Sidoo kale warar laga helayo Kulan shalay duhurkii dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegaya weli taagan tahay arrinta Gedo oo Jubbaland ku doodeyso in la bilaabo tallaabooyinkii koowaad ee xal ka gaarista arrinta Gobolka Gedo oo ka mid ahaa caqabadihii ku horgudbanaa Shirkii saddex geesoodka ahaa la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Saciid Dani iyo Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe.

59880cookie-checkHubanti La’aan Hareeysay Kulankii Villa Somalia