Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa ay Maleeshiyaad & Gadiid Dagaal soo Dhoobtay Aaga Buq-Dharkeyn..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Muuse Biixi uu wado qorshe abaabul iyo kicin uuna furumaha dagaalka keenay Maleeshiyaad hab beeleed loo soo uruuriyay, wuxuuna weli ka wadaa diyaar-garow dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo jiidda hore ee Gobolada Sool iyo Togdheer…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay marba marka ka dambaysa Maleeshiyaad hor leh ku biiranaya furumaha dagaalka ee Buq-dharkayn ilaa Qorilugud, iyadoo dhawaan Beesha Habar jeclo Bayaan ay soo saareen ku sheegeen iney diyaar u yihiin dagaanada nabad lagu wada noolaado ayna ka soo horjeedaan dagaal dambe inuu degaanadooda ka dhaco.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in saacadihii la soo dhaafay Xoogaga Somaliland loo keenay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo dhawaan laga soo iibiyay Dalalka Yemen, Ethiopia iyo Konfurta Somalia, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dhinaca SSC-Khaatumo ay weli ku baaqayaan nabad iyo deris wanaag islamarkaana sheegeen in aysan colaad wadin.

291200cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa ay Maleeshiyaad & Gadiid Dagaal soo Dhoobtay Aaga Buq-Dharkeyn..