Isku kariska Howlgalka Gobolada Dhexe & Macaash Raadinta Macdanta Uranium-ka..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Dowladda USA iyo EU-da ay si firfircoon u qiimeynayaan fursadaha lagu heli karo uranium-ka Gobolada dhexe Dalka, iyagoo shuruudo ku xiray taageeradooda ololaha Dowladda ee ka dhanka ah kooxda Shababka iyo ka qeyb qaadashada xoreynta Gobolka qaniga ku ah Uranium-ka ee Galmudug ayaa muujineysa isku kariska istaraatiijiyadeed…

Khubaro badan ayaa aaminsan in Qorshahaan wuxuu daba socdaa go’aankii Hogaamiyihii afgambiga Niger ee ahaa in la joojiyo heshiisyada soo saarista Uranium-ka ee uu la leeyahay wadamada reer galbeedka, Dalkaan iyo Namibia ay yihiin 2-da ee Qaarada ugu badan soo saara Maadamaan.

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka rogeysq in Madaxweynaha Somalia oo xiligaan ku sugan magaalada Dhuusa mareeb muddo 3-tidobaad ku dhow uu wado qorshe qandaraasyo lagu siinaayo Shirkado ka baara Galmudug Macdanta Uranium-ka, iyadoo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareyakan iyo Shirkadaha la shaqeeya ay ku sugan yihiin Xarardheere, Dhuusa mareeb iyo Galcad, sida ay xogtu sheegayso.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Cabdi Qeybdiid, Guddoomiyihii hore ee Galmudug, uu sanadkii 2015 uu heshiis la galay shirkadda Link Resource FZC oo ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, Heshiisku wuxuu u muuqdaa mid u ogolaanaya shirkadda inay dhoofiso Saliid, Gaaska, iyo Macdanta Uranium-ka, Iyadoo ku saleysan xogta laga helayo Link Natural Resources, shirkaddu waxay si gaar ah diiradda u saartaa ka faa’iidaysiga macdan uranium-ka la taaban karo ee laga helay gobolka Galguduud.

273620cookie-checkIsku kariska Howlgalka Gobolada Dhexe & Macaash Raadinta Macdanta Uranium-ka..