Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha & Bandow laga Hirgeliyay Mogadishu

Somalia news

Xalay magaaladda Muqdisho waxaa ka dhaqan galay Bandow ay ku soo rogtay dowladda Soomaaliya, kaasoo bilowday saacaddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo, iyadoo lagu adkaynayay ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha…

Amniga guud ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay si gaar ah hoolka calaamo-saarka ee teendhada Afisyoone oo ah halka ay ka dhaceyso munaasabada Caleema saarka, waxaana wadooyinka caasimadda lagu dhajiyay calamada dowladaha wufuuda u soo direysa munaasabada oo maalmahan qaban qaabadeeda uu socday.

Madaxda iyo wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Shanta dowlad goboleed ayaa ku sugan magaalada, kuwaasoo munaasbaada kadib la filayo iney kulan gaar ah la qaataan madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadli doona isu soo dhawaanshahooda iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka dowladda iclaamisay ee ka dhanka ah Shabaab.

193750cookie-checkXaflada Caleema-saarka Madaxweynaha & Bandow laga Hirgeliyay Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com