Deni Oo Shaaciyay Xudunta Khilaafka Kala Dhaxeeya Villa Somalia

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Cabdulahi Dani, ayaa sheegay inuusan jirin Khilaaf mug weyn oo kala dhaxeeya Dowladda Federaalka, balse wuxuu carabka ku adkeeyay inuu diidan yahay barnaamijka soyaasadeed Ee Maamulada muddo xileedkiisu dhamaaday….

Mr.Dani oo wareysi siiyay Idaacada la iska arko ee Universal Somali TV ayuu daaha ka rogay Maamulkiisu uu xiriir wanaagsan la leeyahay Hey’addaha kale Dowladda Federaalka, balse uusan indhaha ka laaban karin ku tumashada Nidaamka Dowladnimo Ee asaasiga ah iyo hadafka uu la yimid oo u muuqda mid Talada uu isku koobay.

Wuxuu intaasi raaciyay in Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday Ee Farmaajo uu si toos ah uga soo horjeedaa nidaamka federaaleynta Ee Dalka laga hirgeliyay laguna heshiiyay, waxaana sharci darro ah isku dayay inuu ku meel mariyo wax ka bedelka Qabyo Qoraalka iyo hab aan waafaqsaneyn axdigii lagu heshiiyay.

98880cookie-checkDeni Oo Shaaciyay Xudunta Khilaafka Kala Dhaxeeya Villa Somalia