Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Oomar & Farmaajo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa dagaal dhaqaale ku dhisan oo u dhex maray Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada Maxamed Cabdullahi Oomar iyo Mr.Farmaajo, dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ka soo bilaawday Farmaajo Walaalkiis oo madax ka ah Shirkadda Qaadka ka keenta Ethiopia….

Xuuraan la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegay in Xiisada u dhaxeeysa Farmaajo ay gaartay heerkii ugu xumeyd, iyadoo Farmaajo uu diiday inuu sii kala dhex galo Khilaafka labada nin, talaabadaan ayaa la sheegay iney horseeday in Mr.Oomar uu Accountiyada Bangi ku yaal Magaalada Qubrus (Qeybta Turgiga) oo lagu soo shubi jiray dhaqaalaha khidmada diyaararadaha hawada Somalia mara kala baxo.

Mr.Oomar Ayaa la sheegay inuu ka wareejiyay dhamaan lacagahii Account-gaasi oo lagu qiyaasay ilaa 8-millions US$, wuxuuna ku wareejiyay Account-yo kale, Dood dheer oo dhex martay Farmaajo iyo Oomaar ayaa lagu heshiin waayay, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu Farmaajo ku dacweeyay Wasiirka 1-aad Ee Ethiopia iyo Madaxweynaha Kilinka Soomaalida Ethiopia, iyagana waa diideen iney soo dhex galaan Khilaafka.

Mr.Oomaar ayaa haatan ku sugan Magaalada Nairobi, wuxuuna diiday inuu Xilka ku wareejiyo Wasiirka Cusub, iyadoo la sheegay in Koox ka tirsan NISA ayaa jebiyay albaabka Xafiiska, isla markaasna Wasiirka cusub lagu amray inuu shaqo bilaabo.

113100cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Oomar & Farmaajo