IGAD Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xiisadaha Kenya vs Somalia

Somalia news

Guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD u xil saartay eedeynta Somalia u jeedisay Kenya ee ah iney faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha ayaa warbixin ka soo saaray baaritaankooda iyo waxyaabaha ay ku soo ogaadeen….

Warbixinta Guddiga ayaa ku eedeeyay Qeybta Hawada Dowladda Kenya inay jiraan caddeymo ku filan in diyaaradaha Kenya ku xad-gudbeen hawada Somalia, iyagoo jebinaya xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah kadib markii Dowladda Somalia soo saartay amaro lagu joojinaayo dhammaan dayuuradaha tegaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Sidoo kale waxey Guddiga Warbixintooda ku muujiyeen inaysan jirin caddeymo muujinaya in Dowladda Kenya aqoonsatay Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

“Ka qeyb-galka laba xildhibaan oo miisaan ku leh Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo Yuusuf Xaaji, ee caleemo-saarkii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kama dhigna aqoonsi Kenya siisay Jubbaland,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga IGAD.

Guddiga ayaa sidoo kale meesha ka saaray eedeynta dowladda Somalia ee sheegeysa in gudaha Kenya lagu hubeeyey jabhad uu hoggaamniyo Cabdirashiid Janan, waxana warbixinta guddiga lagu sheegay inay xaqiijiyeen in Janan uu yahay wasiir ka tirsan Maamulka Jubaland, isla markaana ciidankiisa ay hoos tagaan ciidamada Maamulkaas ee aysan aheyd Jabhad.

Xubnaha Guddiga ayaa diiday qodobada Somalia u cuskatay iney xiriirka u jarto Kenya waxayna sheegeen in qodobadaas aysan u qalmin goynta xiriirka labada dal.

“Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya inaysan ku filnaan karin in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. inkastoo dowladda Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixinta IGAD.

90000cookie-checkIGAD Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xiisadaha Kenya vs Somalia