Baaqyo Loo Diray Dowladda Federaalka, Galmudug & Hir-Shabelle

Somalia news

Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhuusa mareeb ayaa qeylo Dhaan iyo cabasho ka soo saaray xaalada amaan ee Gobolka Galguduud guud ahaan iyo gaar ahaan Degmada Dhuusa mareeb oo ay ku soo dhowaadeen Maleeshiyaadka Kooxda Shababka Iyo Afduubyada iyo Madax-furashada beelaha B/weyne iyo Mataan u dhaxeeysa….

Wararka ayaa sheegay in Qeylo dhaantaan ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Galguduud ayeey uga dalbadeen Dowladda iyo Maamulka Qorqor iney wax ka qabtaan amaan darrada baahsan Ee Gobolka ka taagan, waxeyna sheegeen “in sanad ka hor markii uu xilka qabtay Mr.Qorqor kooxda Shabaabka aysan Magaalada Ceelbuur ka sokeyn, balse maanta aysan waxba la aheyn inay qabsadaan Dhuusamareeb, difaacuna uu yahay mas’uuliyad saran maamulka.

Kooxda Shabaabka ayaa todobaadkii lasoo dhaafay isaga daba laabtay degaanka Ceeldheere oo wax ka yar 30 KM u jira Dhuusamareeb, isla markaana uu maro laamiga dheer ee xariiriya Gurceel iyo Dhuusamareeb, iskuna xira gobollada Konfureed, Bartamaha iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Sidoo kale waxaa maalmahaan aad u kordhay falalka la xiriira Afduub dad, Gaadiid iyo Madax-furasho lacageed oo ka dhex qarxay Jufooyin ka tirsan Habar gidir iyo Xawaadle, iyadoo ilaa hadda tiro Muwaadiniin ah la afduubtay lana weydistay Madax furasho, waxaana lagu Eedeeyay Dowladda Federaalka Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug iney ka gaabiyeen wax ka qabashada Falalkaan.

89970cookie-checkBaaqyo Loo Diray Dowladda Federaalka, Galmudug & Hir-Shabelle