Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Fal dil ah oo uu geystay Dabley ilaalo u ahaa Wasiir ka tirsan Dowlada Federaalka, kaasoo Dilay Marxuum ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta, Dalka ayaa ka dhaxay agagaarka 3-piano oo ku dhow Km-4 ee Magaalada Muqdisho….
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dabley Ilaalo u ahaa Wasiirka Cadaalada Mr.Xasan Xaaji Xuseen uu toogtay Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cilmi Oo ahaa madaxa IT ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, isla markaasna ahaa Madaxa Suuq geynta Maqaayada Zeytuuni.

Ilaa hadda ma cadda sababta dilka keentay, balse waxey u badan tahay in Ilaalada Madaxda Dowlada Federaalka, ayaa cabsi xoogan ka qaada inta ay Wadooyinka marayaan, waxeyna si fudud u adeegsadaan Hubka ay sitaan, Gacan ku dhiiglaha ayaa ka qabtay waxaana lagu xiray Xarunta Baarista Dembiyada ee CID Magaalada Muqdisho.