Hub & Saanad Galmudug Loogu Talo Galay Oo Gedo Laga Dejiyay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa talabaado khaldan oo Madaxtooyada Villa Somalia ay qaaday kadib markii ay soo fara gelisay hub iyo Saanad Ciidan oo dhowaan loo qaaday Degaanada Galmudug loo wareejiyay gobalka Gedo….

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in hubkaan oo diyaarad looga qaaday Muqdisho la geeyay Galmudug lana sheegay in lagu xureyn doono deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab islamarkaana maalmo kadib diyaarad kale lagu geeyay Gedo, kadib markii uu Mr.Farmaajo si toos ah u soo fara geliyay.

Lama oga sababta ka dambeysa hase yeeshee hubka iyo Saanadaan ayaa waxaa gacanta ku haayay Saraakiisha Sanadka Ee Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in amar Madaxtooyada ka soo baxay laga siiyay hubkaas loogu wareejiyo gobalka Gedo.

Maamulka Galmudug iyo kuwa Qeybta 21-aad ayaan wali talaabadaan ka hadlin hase yeeshee waxaa jira cabasho hoose oo ay u gubbiyeen Ra’iisul Wasaaraha, isagoo u ballan qaaday in dhowaan hub kale soo gaari doono.

72810cookie-checkHub & Saanad Galmudug Loogu Talo Galay Oo Gedo Laga Dejiyay