Laftagareen, Qorqor & Guudlaawe oo ku sii Jeeda Garoowe, Deni ma Aqbali doonaa..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaaya in Saddex kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa ku wajahan xarunta Puntland ee magaalada Garoowe, si ay kulamo ula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah…

Kooxdaan tagaya Garoowe ayaa kala ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, kuwaas oo ergo ka ah Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh laguna magacaabay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay todobaadyo kahor caasimadda KMG ah ee KGS (Baydhabo).

Waxeyna doonayaan iney dhexdhexaadiyaan Siciid Deni iyo Xassan Sheekh, si Madaxda Puntland loogu qanciyo ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay dabayaaqada ee Bisha May, kooxdaan ayaa Garoowe geyn doona balanqaadyo ay ka wadaan Villa Somalia, si Deni ugu badasho xaadirida Madasha Wadatashiga Qaran oo uu ka baaqsaday kulamadii ugu dambeeyay.

Xogo ayaa tilmaamaya in Horjoogaha Puntland in uusan aqbali doonin wadashaqeyn u la yeesho Villa Somalia, xilli uu horrey u shaaciyay inuu joojiyay dhammaan wadashaqayntii DFS, ayna u dhaqmi doonto sida dawlad gaar ah ila helayo dawlad Federaal oo ku shaqeysa dastuurka KMG ah ee DFS.

253840cookie-checkLaftagareen, Qorqor & Guudlaawe oo ku sii Jeeda Garoowe, Deni ma Aqbali doonaa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com