Share the post "Is-Rasaaseyn Dhimasho iyo Dhaawacyo Geystay Oo Xalay ka Dhacday Degmada Boobdheerre.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo geystay oo dhex martay Xoogag kala kala tirsan Hey’adda NISA iyo Ciidamada Xooga Dalka kaasoo ka dhacay Degmada Boindheere, isku dhacaan ayaa yimid kadib markii NISA weerartay Hoyga Sarkaal oo ka tirsan Milateriga..
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la weeraray guriga uu iska lahaa lagu magacaabo Siyd-Cali Cabdi Cadde, kaasoo la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray Is-rasaaseyntaasi, iyadoo tiro ilaaladii la socotay ay ku dhinteen, balse lama oga khasaaraha soo gaaray dhinaca Xoogaga Hey’adda NISA ee Gaashaan.
Dagaalada iyo isku dhacyada Ciidamada dhexdooda ayaa haatan noqtay cabsida ay qabaan Shacbiga, iyadoo Maamulka Xasan Sheekh uu ku kufay inuu wax ka qabto is-rasaaseynta Ciidamada Dhexdooda ah, Ilaa hadda ma jiro war rasami ah oo kasoo baxay Hey’adaha Amaanka, Israsaaseyntaab magaalada ka dhacay gaar ahaan Degmada Boondheere yaa qaadayo Mas’uuliyadeeda.?