Qarax Miino Oo Lagu Weeraray Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Gaari uu la socday Sarkaal magaciisa lagu sheega Maxamed Xaashi Guuleed oo Kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo goor sii horeysay qarax miinao lagula eegta isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho…

Wararka ayaa sheegay in Sareeyahaan uu weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac gaaray, Sido kale mid ka mid ah ilaaladiisa, Wadihii Gaariga iyo Qof Rayid ah ayaa ku geeriyooday qaraxaasi sida ay sheegeen ilo loo qaateen oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkaan ayaa qaraxa lagula eegtay agagaarka Isbitaalka Kalkaal xili u kasoo baxay Xarunta Ciidamada ee Villa Beydhabo ee Magaalada Muqdisho.

184940cookie-checkQarax Miino Oo Lagu Weeraray Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda