Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Muqdishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn u dhexeeya Xubno ka tirsan NISA & Dabley hubaysan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka oo kala qeybiya degmooyinka howl-Wadaag, Hodan & Waaberi ee Gobolkan Benadir….

Goobjoogayaal Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Dabley hubeysan oo watay mooto iyo Koox ka tirsan kuwa NISA qeybta Difaaca Shacbiga ay israsaaseynta dhex-martay, waxaana ku geeriyooday Saddex ruux halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah ragga hubeysnaa.

Wararka Ayaa sheegay in Dableyda hubaysan oo mooto Pajaaj watey ay rasaas ku fureen Xoogaga NISA ee ilaaliya Kaamirooyinka wadada taasna dhalisay Iska hor imaadka. Iyadoo Dadka Rayidka ah ay cabsi xoogan iyo argagax gelisay falkaan.

Mid kamid ah raggii ka dambeeyey weerarkaasi ayaa la sheegay in Xoogaga Amaanka ay gacanta ku dhigeen, waxaana muddo hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow dib ay u bilaawdeen.

69810cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Muqdishu