Isbedel Lagu Sameeyay A/Guud Ee Wasaarada Warfaafinta

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in isbedel lagu Sameeyay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo xilkaasi loo magacaabay C/llaahi Maxamed Xayir oo horay u soo noqday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, iyadoo xilka laga qaaday Agaasimihii wasaaradda…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in isbedelkaan in muddo ah la filayay waxaana maalmihii la soo u dambeeyay isa soo tarayay Wararka la xiriira isbedelkaan, iyadoo si gaar ah howshan uga socotay Madaxtooyada oo u arkeysay nidaamka tifaftir ee dhex dhexaadka ah ee ay qaadatay Warbaahinta Qaranka mid caqabad ku ah ololaha Madaxweyne Farmaajo, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay warbaahinta dowladda si isku mid ah wararkooda u tabineysay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, gaar ahaan Mucaaradka.

123020cookie-checkIsbedel Lagu Sameeyay A/Guud Ee Wasaarada Warfaafinta