Somalia Oo Maalgelin u Raadineysa Mashruuc ay ku baxeyso Kharash dhan 300-Millions US$..

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa isku diyaarineysa fulin “Qorshe Xasilin” hadafkuna yahay in muddo gaaban gargaar lagu gaarsiiyo Degaanada laga xoreeyay kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo dhaqaalahaan la qorsheeyay in la fuliyo 3-sano ee food nagu soo heysa…

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka Qorshahaan mustaqbalka dhow uu salka ku haya in dib loo yegleelo adeegyada asaasiga ah sida Caafimaadka, Adkeynta Amniga iyo Waxbarashada, iyadoo uu qorshu yahay in Mashruucaan lagu bixiyo 300-millions US$ 3-da sano ee soo socota, iyadoo Deeq-bixiyayaasha dalalka Reer galbeedka la filaayo iney qeyb ahaan bixiyaan dhaqaalahaan, iyadoo inta kale Dowladda Federaalka looga fadhiyo iney la timaado ama deyn ahaan ama dakhtiga gudaha laga keeno inta dhiman.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaagan Maamulkiisa ay tahay kooxda argagixisada Shababka si ay u hesho dakhli ku filan, wuxuuna sheegay in marka hore Kooxdaan laga xoreeyo degaanada ay xooga ku heystaan, wuxuuna intaasi raaciyay in Maamulkiisu uu diirada saaraayo sidii loo heli lahaa Deyn Cafin ka hor inta uusan qaadan Qaan cusub oo gaari karta Boqolaal Bilyan.

Dhanka kale Dalalka Deynta Bixiya ayaa ka rajeynaaya Somalia iney balaariso dakhliga Canshuuraha gudaha oo xiligaan ka hooseeya 2,7% wax soo saarka gudaha, “Qofna hadda ma bixiyo canshuur, inkastoo Magaalada Mogadishu kaliyah laga qaado Canshuurta halka Maamulada Gobolada Canshuurta ay qaadaan iyaga Isticmaalaan, waxaase isweydiin mudan maxaa Shacbiga Caasimada Canshuur u bixiyaan hadii aysan heliynin Amaan.

252160cookie-checkSomalia Oo Maalgelin u Raadineysa Mashruuc ay ku baxeyso Kharash dhan 300-Millions US$..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com