Dagaal Mar Kale Dib uga Qarxay inta u Dhaxeysa Degaanada Buqdharkeyn iyo Yeyle…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka Beelaha Isaaq iyo Dhulbahante ayaa sheegaya, in dagaal oo u dhaxeeya uu ka socdo Degaanka BuqDharkayn oo ay maalmihii u dambeeyey labada dhinacba isku horfadhiyeen, iyadoo ay dhanka SL saacadihii u dambeeyey kordhisay dhaqdhaqaaqa iyo diyaar garowga dagaal…

Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu Labo jiho ka socdo, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo degaanada ku dhow Buqdharkeyn, wararka ayaa sheegay in xiliga dagaalka qarxay ay degaankaasi tageen Odayaal dhaqan oo Nabadeyn u socday, iyadoo maalmo ka hor Odayaal labada dhinac ah ay ku mashquulsanaayeen dadaal nabdeed oo dagaalka looga ilaalinayo inuu isku rogo mid qabaa’il.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la xaqiijinayaa in labada dhinacba ay kala gaareen, dagaalkaan ayaa si gaar ah uga socda duleedka degaanka Yeyle, iyadoo warar kale oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in Dowladaha deriska ayaa qaarkood lagu eedeeyay iney Hub iyo taageero kale bixiyeen.

288940cookie-checkDagaal Mar Kale Dib uga Qarxay inta u Dhaxeysa Degaanada Buqdharkeyn iyo Yeyle…