Naftii-Halige Isku Qarxiyay Degmada Dharkeynley

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Mogadishu, Weerarkaan oo la tuhunsan yahay iney ka dambeeyaan Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, wuxuuna ka dhacay goob gaadiidka laga raaco…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Naftii-haligahaan uu isku qarxiyay boosteejada Gaadiidka laga raaco ee Xaafada Macallin Nuur, halkaasi oo xiligaasi dad badan ay ku sugnaayeen, khasaare isugu jira dhimasho (3-Qof) iyo (6) dhaawac ah ayaa soo gaaray Dadka Rayidka ah, inkastoo aan la heynin tirakoob sax ah.

Goobjoogayaal Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in goobta Qaraxyada ka dhacay ay ku dhoweyd fariisin Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo Xoogaga Amaanka ay goobta isku gedaameen, Boosteejada ayaa laga raacaa Gaadiidka u baxa Degmada Afgooye.

122990cookie-checkNaftii-Halige Isku Qarxiyay Degmada Dharkeynley