Jadwalka Doorashada 2-Kursi Oo Golaha Shacabka Oo la Shaaciyay

Somalia news

Guddiga doorashada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka labo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay #HOP239 iyo #HOP237, iyadoo maanta oo Jimca ah lagu wado iney ka bilaabaan diiwaan gelinta qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha Musharaxnimo…

Labadaan Kursi mid ka mid ah ayaa waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay #HOP239, waxaana u tartamaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo u badan tahay inuu Kursigan ku guuleysto.

Sidoo kale Kursiga kale ee Tirsigiisu yahay #HOP237 Biixi Iimaan Cige oo ay u badan tahay inuu dib ugu soo laaban doono, iyadoo loo balansan yahay 30-ka Bishaan (Sabtida) Doorashadaan ayaa noqon doonta mid ugu horeysay ee Xildhibaanada Golaha Shacbiga la qabto.

148050cookie-checkJadwalka Doorashada 2-Kursi Oo Golaha Shacabka Oo la Shaaciyay