Wakiilada Beesha Caalamka Oo Soo Saaray Ajndaha & Wakhtiga Wada Hadalka

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, iyagoo diyaariyay Ajandaha shirka wakhtiga uu soconaaya iyo Agaasinka guud Ee Amaanka Teendhada Afisioni, Waxaana loo Xil saaray Ciidamo isku dhaf ah oo Mareykan, Amisom iyo Ciidamada Danab, Qaabkaan ayaa ka duwan kuwii hore….

Qoraal ku shaabadeysan Astaanta Qaranka loogu magac daray “National Consultative Forum meeting” ay ku xusan yihiin ajandaha iyo wakhtiga ayaa la soo saaray, wuxuu u muuqdaa inuu ka duwan yahay Kulanmadii horey loo qaban jiray, iyadoo warar qaar ay sheegaayaan in Go’aanada xitaa horey loo diyaariyay oo ay saxiixo doonaan ka qeyb galayaasha Forum-kaan.

Ajande aan rasmi ah aheyn laakiin loo dusiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in wajiga hore ee maanta shirka xooga lagu saari doono sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada shirka ka wada qeybgalaya oo aan isku aragti ka aheyn hannaanka loo marayo doorashada, iyadoo wixii xiligaan ka danbeeyana la gudagali doono qoddobka ugu weyn shirka ee arrimaha doorashooyinka.

Sidoo Kale Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka, Madeira ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka.

103820cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Soo Saaray Ajndaha & Wakhtiga Wada Hadalka