Xisbiga Kulmiye Oo Xubinimadii Kala Noqday Siyaasi

Somalia news

Xisbiga talada Maamulka haya ee Degaanada Somaliland ee Kulmiye ayaa ku dhawaaqay in xisbiga laga saaray Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo kamid ahaa xubnaha muhiimka ah ee xisbiga, sidoo kalena ku lahaa saameyn balaaran Gobolka Togdheer…

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay talaabadaan ay timid kala laabashada xubinimada Xisbiga ee Siyaasi Maxamuud Xaashi, kadib markii uu si khaldan uga faa’ideystay magaca Xisbiga.

Go,aankaan kasoo baxay Xisbiga Kulmiye ayaa kusoo aadaya Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen in Siyaasiga Xaashi uu wada-hadal kula jiro xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI si uu ugu biiro, iyadoo sidoo kale Khilaafka kala dhaxeeya Muuse Biixi uu gaaray halkii ugu hooseysay xalka loo waayay.

148120cookie-checkXisbiga Kulmiye Oo Xubinimadii Kala Noqday Siyaasi