Maxaa Ka Dhab Ah In Maamulka Talaalka Dowladda Federaalka Laga Horistaagay

Somalia news

Warar Diblomaasiyadeed oo Warsidaha Diinah.com news ay heleen, ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Aduunka ay ka hor istaageen in Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka iney Maamulaan, qorsheynaan qeybta Deeqda Talaalka Ee Cudurka safmareenka ah COVID-19…..

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Dacwado ka dhan ah Wasaarada Caafimaadka loo gudbiyay Hey’adda WHO, waxaana la sheegay in Maamulada Soomaaliland iyo Puntland u gudbiyey Dacwad ah in Xukuumada hada jirta ee Somalia aan lagu aamini karin inay maamulaan Talaalka Covid19 ee loogu deeqay Somalia.

Maamuladaan ayaa Mas’uuliyiinta Hey’adda Caafimaadka Aduunka u gudbiyay warbixino iyo cabasho ka dhan ah Wasaarada Caafimaadka, iyagoo ku Eedeeyay iney lunsadeen deeqihii iyo Qalabkii loogu talo galay Maamuladaan, waxeyna ka digeen in qeybinta daawada Talaalkaan aan loo Madax baneynin Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha loogu hayo Talaalka Covidka-19 ee Qeybta Somalia Magaalada Nairobi ay tahay, iyadoo laga aamin baxay Mas’uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka, waxaana lagu wadaa in Hey’adda Caafimaadka Aduunka ay qeybta ugu horeyso ay ka dejiso Magaalada Garoowe laguna keydiyo, iyadoo halkaasi laga bilaabi doono qeybinta Talaalka, inkastoo Dadka ugu tirada badan Ee uu ku dhacaday cudurkaan ay Magaalada Mogadishu degan yihiin.

Ku darsoo Wasiirada Caafimaadka ayaa la sheegay in Hoyga ay ka degan tahay Magaalada Mogadishu (Agagaarka Guriga Sheekh Shariif) ayaa laba qol oo ka mid ah loo diyaarshay iney u adkeystaan xabadaha iyo garneelada, waxaana dayactiray Injineero Turkish ah, Toloow Madaxtooyadana!!!🥱

101270cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah In Maamulka Talaalka Dowladda Federaalka Laga Horistaagay