Waxaa dib u dhac ku yimid jadwalkii doorshada Ee DF iyo Xubnaha Dowlad Goboleedyada, iyadoo wakhtigii loo qabtay in lagu magacaabo Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal, Kan Gobolada, iyo Gudiyada Khilaafyada uu dhamaaday….
Inkastoo Xubnihii Dowlad Goboleedyada ay gudbiyeen xubnaha uga mid noqonaya Guddiyada ayaa haddana wali laga sugayaa in Xukuumadda soo magacawdo labada Guddi doorasho heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo Guddiga xalinta khilaafaadka.
10 October illaa 20 October ayay aheyd in lagu soo magacaabo Guddiyada doorashada, halka 20 October illaa 30 October aheyd Guddiyada la magacaabay loo qabto tababarada.
1-da November oo maanta bilow ah illaa 30 November ayaa lagu balamay in la bilaabo qorshaha doorashada sida soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha cod bixinta.