Argagixisada Shababka oo Shaaciyeen Heshiis ay la gaareen Beesha Qorqor

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Heshiis Nabadeed oo ay wada gaareen Qaar ka mid ah Horjoogayaasha argagixsada Shababka iyo Odayaasha Beesha Cadaado, kana mida beelaha aan weli dagaalka qaadin muddo bilo ahna aagaga dagaalka iska fadhiyay…

Heshiiskaan oo aan weli laga xaqiijin Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beeshaan ee taageersan Maamulka Xasan Sheekh ayaa dhigaya inay Beesha ay ka hirgelisaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanadeeda, fulinta Heshiuskaan ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa, in Xoogageeda hubeysan kala baxdo Aagaga Baxdo iyo degaanada kale, halka Kooxda Shababka ay balanqaadeen iney sii deynayaan 130-Qof iyo 600-Neef oo Geeli iyo ari isugu jira iyo iney bixiyaan Magta 30-xubnood oo beesha laga dilay.

Wararka ayaa la sheegay in la isla meel dhigay in la fasaxi doontaa Ganacsiga iyo isku socodka Gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay, Heshiiskan ayaa waxaa ku saxiixan 14 nabaddoon oo ka tirsan Beesha Saleebaan iyo labada Horjooge Gobol ee Shababka u qaabilsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna soo baxay xilli in muddo ah aan wax dagaal ahi ka dhicin deegaanda ay isku hor fadhiyeen labada dhinac.

Heshiiskaan ayaa dib u dhac ku keenaya Siyaasiyiinta Xisbiga Madaxweynaha ee Beesha u dhashay kuwaasoo 7-kii bilood ee u dambeyay kala qeybin ku waday Beesha dhexdeeda gaar ahaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada oo Nabadoonkiisii ka mid ah Odayaasha saxiixay Heshiiskaan, Mr.Abshir Bukhaari (Weershe) ayaa dhaqaale badan dagaalada degaanka loogu tala galay u adeegsaday Maamulka Qorqor.

232700cookie-checkArgagixisada Shababka oo Shaaciyeen Heshiis ay la gaareen Beesha Qorqor
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com