Qeylo Dhaan Laga Keenay Xulista Xildhibaanada Waqooyiga Ka Soo Jeeday

Somalia news

War qoraal ah oo ka soo baxay Gudoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland (Waqooyi) loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii 2016 kii….

Qoraal uu ku saxiixanyahay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lana ogaysiiyay Madaxweynaha, Ra’iiusl wasaaraha, Madaxda Dowladd-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xukumada Soomaaliya aysan xaq ulahayn in ay soo magacaawday xubanah guddiga doorashadda ku matalaya deegaanadda Somaliland.

Warka ka soo baxay gudoomiyaha Aqalka Sarre ayaa lagu sheegay in ay muhiimtahay in siyaasiyiinka ka soo jeeda Somaliland loo madax-baneeyo soo xulista xildhibaanadooda maadaama heshiiskii habraaca doorashada 2020/21 lagu heshiiyay in kuraasta goboladda Waqooyi lagu soo xulu qaabkii 2016.

69970cookie-checkQeylo Dhaan Laga Keenay Xulista Xildhibaanada Waqooyiga Ka Soo Jeeday