Jubbaland Oo Soo Dhaweysay shirka Dhuusa mareeb

Somalia news

Wasiirka Wasaarrada Warfaafintan Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso dhankeeda shirka uu maalintii shalay ku baaqay Mr.Farmaajo ee ka furmaya magaalada Dhuusa-Mareeb, kadib kulankii Wakiilada Beesha Caalamka…

Wasiirka waxaa uu sheegay in shirkaasi ay u arkayaan mid qeyb uun ka ah baaqii Madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo dalbaday in la qabto shir deg deg ah oo looga arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

”Shirkaasi waxaa u arkaan shir wanaagsan, waayo waxaad ogtihiin in madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ay labaduba ku baaqeen in shir leysugu yimaado, sidaa daraadeed mar haddii uu madaxweynuhu uu ku baaqay shirkaasi waxaan u arkeynaa arin wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay natiijada ka soo bixi karta shirka iyo uu jiro isbadal ku yimid dhankooda marka la eego qoddobadii markii horeba leysku hayay ayuu sheegay in ajandaha shirku yahay heshiiskii 17kii September ee sanadkii hore laga gaaray doorashooyinka dalka iyo caqabadaha wali ka jira sida Guddiyada leysku hayo ee lagu muransan yahay, Arintan Gobollada Waqooyi iyo waliba Gobolka Gedo, ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Warfaafinta.

Maalintii berri ah oo Isniin ah ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb, inkastoo laga yaabo inuu dib u dhaco madaama uu u baahan yahay shirku qaban-qaabo intan ka ballaaran,

Sababta Dhuusa mareeb Loogu Doortay Shirka:-

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu ka soo horjeestay in Kulanka lagu qabo MUqdishu sababo la xiriira in Madaxda Jubbaland iyo Puntland fursad u helaan iney Kulamo la yeeshaan Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, Musharixiinta iyo Qeybaha Bulshada.

Mr.Farmaajo ayaa aad u xiiseynaayay in Magaalada Baydhabo lagu qabto ayaa waxaa diiday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo sheegay in Heerka isku haleynta amniga Magaalada Baydhabo uu hooseeyo maadama ay joogaan Sektorkaasi Ciidamo Ethiopian ah.

90910cookie-checkJubbaland Oo Soo Dhaweysay shirka Dhuusa mareeb