Ma Dhabaa In Ciidamo Loo Qaaday Asmara

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa warar (Barnaamij video ah) marin habaabin ah oo loogu tala gala in Waalidiinta Soomaaliyeed ee ka maqan Caruurtooda laabta loogu qaboojiyo, Barnaamijkaan Video ah oo laga soo diyaariyo Asmara islamarkaana dhowaan laga sii deyn doono SNTV….

Ilo wareedkaan Ayaa sheegay in Shalay dhalinyaro kor u dhaafeysa ilaa 50 Wiil oo ka tirsan Ciidamada Dowladda (Haramcad) si qarsoodi ah Diyaarad ay leedahay Ciidamada Dalka Qatar ugu qaadey Magaalada Mogadishu waxeyna isla shalay ka dejisay Magaalada Asmara.

Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in muddo 3-maalmood ah Siminaar uu ugu furo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka oo ku sugan halkaasi, talaabadaan oo loola jeedo in lagu xalaaleeyo dhiigga Dhalinyaro Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in lagu laayay Dagaalka Ethiopia dhexdeeda ka socda, gaar ahaan Gobolka Tigreyga.

Guddiga Arrimaha Dibedda Baarlamaanka JFS wuxuu 18-kii bishaan warqad u kaga codsanaayo inuu Waalidiinta Soomaaliyeed u cadeeyo nolol iyo geeri waxay ku sugan caruurta u jirey Madaxwaynaha JFS.

90940cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamo Loo Qaaday Asmara