Ganacsatada Xoolaha Oo Shababku Amaro Ku Soo Rogeen

Somalia news

Horjoogayaasha qeybta Baada ee maleeshiyaadka Kooxda argagixisada, ayaa markii ugu horeysay amaro adag ku soo rogay Gadisleyda iyo Gaadiidleyda Xoolaha qaada ee Magaalada Beledweyne, talaabadaan ayaa la tilmaamay iney ka dhantaali karto dhibaato la xiriira ganacsigooda….

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Kulan qarsoodi ah oo ka dhxaday degaan ku dhow Magaalada B/weyne ayaa Hirjoogayaasha Shababku u sheegeen Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Xoolaha Lo’da iyo Ariga Geeysa Degaanada Somaliland iyo Puntland si loogu iib geeyo Dalalka Khaliijka.

Qaar ka mid ah Ganacsatada xoolaha ayaa laga soo xigtay in amaradaan Kooxda Shabaabka ka soo baxday looga dalbaday inaysan xoolahooda gaynin Boosaaso iyo Berbera, si dekedaha halkaasi ku yaala looga dhoofiyo. Ganacsatada waxay taasi bedelkeeda sheegeen in loo ogolaaday in xoolahooda ka dhoofin karaan Dekedaha Muqdisho iyo Kismaayo.

Ganacsatada Xoolaha ayaa waxay xaqiijiyeen haddii aysan awaamiirtaasi u hoggaansamin in neef walbo oo ari iyo lo’ ahba lagu ganaaxi doono min boqol dollar ($100), taasoo ah ganaax aad u adag, sidoo kale Gaadiidleyda ayaa lagu wargeliyay in Gaadiidkooda marka Hore lagu ganaaxi doono Qori AK/47 iyo Booshkiisa marka 2-Aadan la gubi doono hadii ay ka gaabiyaan iney fuliyaan Amarkaan.

90870cookie-checkGanacsatada Xoolaha Oo Shababku Amaro Ku Soo Rogeen