Guddiga La Socodka Xayiraadaha Hubka & Maaliyada ee UN-ka Oo Warbixin u Gudbiyay Golaha Amaanka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Warbixin ay Guddiga dabagalka Cinaqabateynta Hubka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin sanadeedka Somalia, iyadoo Qodobbada ugu muhiimsan Warbixintooda ku xusay inuu weli socdo qulqulka Hubka oo ay ku eedeeyeen Dowlado gaar ah…

Warbixintaan oo sanad kasta la soo saaro waxaa xiligaan looga hadlay dhinacyo badan, sida Amniga, Dagaalka Argagixisada Shabaabka iyo Dowladda Federaalka, Siyaasada Gudaha, Hananka la-dagaalanka Musuqa, Qul-qulka Hubka iyo Dalalka uu ka yimaado, sida loo maamulo hubka soo gala dalka Somalia iyo Qodobo kale oo xasaasi ah.

Kooxda Argagixisada Shababka:-

Kooxdani ayaa la tilaamay iney weli ku tahay khatarta ugu dhaqsiyaha badan ee Adkeynta Nabadda, Amniga iyo xasiloonida Dalka, iyadoo Awoodda kooxda oo lagu tilmaamay iney fuliyaan weerarro aan caadi ahayn oo ka dhaca Guud ahaan Konfurta, Bartamaha Dalka iyo Gudaha Dalalka Ethiopia iyo Kenya, inkastoo dhaqdhaqaayada kooxda lagu xusay warbixinta mid aan is dhimin awoodaheeda Helitaanka Hubka iyo Xirfadaha cusbooneysinta.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Hub Dalka soo gala uu ka yimaado Dalalka Yemen, China, Iran, ayna Qeybaha Doomaha Kaluumeysiga ay qeyb weyn ka ciyaaraan daabulida Hubka, inkastoo Dowlada Federaalka lagu amaanay inay aad u xakameyso hubka ku jira gacanteeda, waxeyna weli ku dhiban tahay sidii ay dhanka hubka uga taageeri laheyd Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Degaanada Puntland oo laga cabsi qabo inuu Gacan ka hadal ka dhaco kadib muddo kororsiga gaaban ee Maamulka degaanka ee sida sharci darrada ah u kororsaday iyo kooxda Argagixisada ee ISIL- Waqooyi-Bari Puntland ee Somalia oo awood ku yeelatay degaanadaasi, inkastoo ay aad u saameysay dhimashadii Bilaal Al-Suudaani oo laga dilay bishii Janaayo ee sanadkaan, kadib markii Maamulka uu ka gaabiyay inuu ka faa’ideysto Dagaalka Dowlada Federaalka Qaaday iyo Khilaaf Shaqsi ah oo ragaadiyay Xiriirka jilicsan ee u dhaxeeyay Hogaanka Puntland iyo kan Villa Somalia.

Dagaalka Gobolka Sool:-

Qeyb ka mid ah warbixintaan waxaa looga hadlay Dagaalkii Degmada Laascaanood, kaasoo la sheegay inuu khatar geliyey Nabada iyo Midnimada Somalia, isla markaana uu saameyn culus ku yeeshay dadkii ku noolaa magaaladaasi iyo hareeraheeda, Dagaaladii Laascaanood waxay Guddigaan sheegeen inay fursad siiyeen kooxaha argagixisada ee Shabaabka iyo Daacish, sidoo kale arrimaha Doorashooyinka ayaa looga hadlay warbixintaan.

Musuqmaasuqa dhanka Kaluumaysiga ee Wasaarada Kaluumeysiga Federaalka oo noqday mid xargo goostay, iyadoo Shiradaha Dalalka China (300) oo Shirkadood ay si sharci darro uga Kaluumeystaan isla markaasna ay Laaluushaan Hogaanka Villa Somalia, waxaa kaloo la eedeeyay Dalalka Iran, Thailand, Spain, France iyo Italy kuwaasoo Maraakiib xaalufiya Ugxaanta Kaluunka ka wada Xeebaha Somalia.

283680cookie-checkGuddiga La Socodka Xayiraadaha Hubka & Maaliyada ee UN-ka Oo Warbixin u Gudbiyay Golaha Amaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com