Ma Dhabaa in Diyaaradaha Sahanka USA ay Dul Heehaabayaan Hawada Gobolka Sool & Sababta..

Somalia news

Kadib markii Culeysyo Diblomaasiyadeed iyo mid Siyaaso ay saareen Hey’adaha Sirdoonada Ethiopia iyo Djibouti Dowlada Mareykanka ayaa bilaawday iney Diyaaradaheeda wax basaasa (Surveillance aircrafts & drones) iney dul heehaabaan Hawada Degoomiyinka Laas caanood iyo Buuhoodle ee Gobolada Sool iyo Togdheer Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Khabiirada Arrimaha Gudaha ay ka digeen in USA ay dhinac la safato colaada ka dhex oogan Beelaha Isaaq Iyo Dulbahante, iyagoo sheegay in talaabadani waxay sharraxaysaa duullimaadyadii Diyaaradaha Sahanka ee Ciidamada Maraykanku ee Laascaanood maalmihii la soo dhaafay dul heehaabaayaan ay caddeyn u tahay iney dhinac la safatay.

Ilo aan la xaqiijin ayaa sheegay in Dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Galmudug uu soo abaabulay Horjooge Fu’aad Shongole oo beelaha Lelkakase iyo Mareexaan ee Puntland iyo Galmudug ku laaluushay lacag dhan $350k si ay u gaabiyaan horumarka ay wadaan Xoogaga Degaanka oo kaashanaaya Ciidamadq Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug.

Siyaasiyiinta & Saraakiisha Sirdoonada Dalka waxey dhayalsadeen xiriirka Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka iyo xirfadahooda ku dhisan kala qaybinta & guushooda, Horgalada Kooxdani Waxay abuurayaan dagaallo qabiil oo lagu halaagsamo kaasoo ah Hawiye vs Daarood,Daarood vs Daarood,iyo Hawiye vs Hawiye, waana shax muddo dheer ku soo dhaqmaayeen.

Horjooge Muuse Cabdi Caraale oo ah Wakiilka kooxda Shabaabka ee Gobolka Banaadir (wali) ayaa ku andacoodey “guusha waa dhowdahay” isagoo yiri AS waxay dooneysaa inay Muqdisho dib u qabsato, Calankii Tawxiidkana ka taagto Villa Somalia, hadana waxay raadineysaa ciidamo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxda

280400cookie-checkMa Dhabaa in Diyaaradaha Sahanka USA ay Dul Heehaabayaan Hawada Gobolka Sool & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com