Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Swan Iyo Fahad

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulan shalay galab ka dhacay xarunta NISA, kaasoo u dhaxeeya Agaasimaha Hey’adda iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan, waxaana looga hadlay Qodobo dhowr ah….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulankaan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, Amaanka iyo Kooxaha argagixisada, iyadoo Adeege Fahad Yasin loo gudbiyay warqad cabasho ah oo ka timid wadamada Beesha Caalamka taasoo looga digay inuu ka fogaado in Golaha Baarlamaanka ay soo galaan xubno ka tirsan kooxda argagixisada Shababka.

Ilo wareedyo Ayaa sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ay welwel ka muujiyeen Wararka sheegaya in Sarkaal ka tirsan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uuna hormuud u yahay Adeege Fahad Yasin ay qorsheeyeen iney tiro Xildhibaano ah oo ay soo xuseen Horjoogayaasha Kooxda Shabaab lagu biiriyo Xildhibaanada cusub, talaabadaan oo walaac badan laga muujiyay.

Waa markii labaad oo Kulan ay yeeshaan Mr.James Swan & Adeege Fahad Yasin, waxaana kulankan kii ka horreeyay sidoo kale loo geeyay warqad taasoo loo sheegay in Dowladda Federaalka ah ay aqoonsato Maamulka Jubbaland, taasoo maalin kadib ay Villa Somalia soo saartay qoraal ay sheegtay iney aqoonsadeen Jubbaland & MW Axmed Madoobe muddo laba sano ah.

65560cookie-checkMaxaa Ka Soo Baxay Kulankii Swan Iyo Fahad