Share the post "Kalluumaysato Degaanada Somaliland Ka Soo Jeeda oo La Waayay Bil Ka Hor ayaa Laga Helay Xeebaha Djibouti.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kaluumaysato Degaanada Somaliland ka soo jeeda oo la waayay Bil ka hor ayaa Laga helay Xeebaha Djibouti, Saddexdaan kaluumaysato ayaa Badda ku lumay, waxaana laga helay xeebaha Dalka Dalkaasi iyaga oo badqaba…
Kaluumaysatadan ayaa 29 cisho ka hor ah la waayay kadib markii ay ciladdi ku timid doonni ay wateen, isla markaana ay awoodi waayeen inay dib ugu soo noqdaan xeebaha magaalada Berbera oo ay ka baxeen, sida uu BBC Somali u sheegay Khadar Ibrahin Cabdillaahi, oo ka mid ah saddexda kaluumaysatada ah.
“6, 12, 2024, ayaanu ka baxnay magaalada Berbera, cilad ayaa nagu timid xagga laashka ah, baytariga ayaa naga dhacay, kadib waanu cadilanay, muddo 29 cisho ah ayaanu sabaynaynay,” ayuu yidhi Khadar.
Waxa uu sheegay in kadib ciladda ku timid baytariga doonnida ay wateen ay awoodi waayeen inay u dhaqaaqaan jihada ay iyagu rabaan, oo ay dabayshu maamulaysay. “Marka aad sabaynayso isma maamuli karaysid, dabaylaha ayaa ku maamulaya,” ayuu Khadar hadalkiisa sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Djibouti ay la kulmeen iyaga oo badda sabaynaya, kadibna ay soo badbaadiyeen, isla markaana ay u fidiyeen gargaar caafimaad, ayna u cilad saareen doonnidii ay wateen.