Share the post "Kalsooni darrada Doorashada Darteed Ma Haboon Tahay In Teendhada Loo Wareejiyo"
4-sano ee uu majaraha u hayay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayuu sifoobay Musuqmaasuqa doorashada, Caburinta Iyo dilal qorsheysan, wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu ku haysan lahaa xukunka sanooyin badan, isagoo xoogga saaray labo arrimood: inuu diyaariyo Doorasho uu ku Shubto hadii uu waayana wuxuu diyaaraaday qorshe kale oo ah in qas iyo cabsi gelin uu ku joogo Villa Somalia…
Farmaajo oo yaqiinsaday inuu Ku Fashilmay dhamaan balanqaadyadiisa doorshada ayaa ku dhaqaaqay inuu laba xeelad isku barbar socda. Wuxuu mardadaabinayay diyaarinta doorashada hal qof iyo hal cod 2020/2021 ee heshiiska lagu ahaa, wuxuuna abuuray jawi jaahwareer oo ugu dambeyntii horseeday ismarinwaa siyaasadeed Ee xiligaan taagan, isagoo ku guuleystay inuu ku hubsado hogaanada Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabelle iyo K/Galbeed iney qabtaan kuwa maqaar saar ah, kuwaasoo u diyaar ah iney Soona saara Xildhibaano isaga taageersan.
Maamulada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka badbaaday qorshaha gurcan ee Farmajo, iyagoo ku gacan seyray inuu u gacan dhaafo Maamulka Doorashada, waxeyna ka diideen iney ka qeyb galaan Doorasho bug ah, Odoroska muuqda ayaa ah in doorashooyinka Federaalka ee ka dhici doona 3da DG iyo Gobolka Benadir ay ka dhalan doonaan xasarado, khilaaf, iyo dagaal sokeeye.
Hadaba, mar hadiiba aan lagu aamini karin in Doorashada dadban oo heshiis lagu yahay aysan ka dhici karin, ma Haboon tahay in Doorashada dhamaanteed lagu qabto Teendhada Afisioni oo Ergada Gobolada iyo Odayaasha la iskugu geeyo si Doorashada lagu wada qanacsan yahay loo qabto oo Cadaalad ku dhisan!!.