Shirka Berito & Qodobada Ku hor gudban Qabsoomidiisa

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa habeen Hore iclaamiyay in Shir ay isugu yimaadaan Magaalada Mogadishu Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Gobolada, kaasoo uu qeexay inuu socon doono 2-maalmood, waxaana soo shaac baxaaya Qodobo ku hor gudban qabsoomidiisa iyadoo aan daaha gadaashiisa laga xalin Qodobadaan…

Xogo uruurin uu Warsidaha Diinah.com news sameeyay ayaa muujinaaya iney yar tahay rajada laga qabo inuu qabsoomo shirkaasi, wuxuuna noqonaaya Shir 5-aad oo uu Farmaajo iclaamiyo ilaa bilowga Sanadkaan oo baaqda, waxaana sababta ugu ay tahay inuusan heysan Awood uu ku qabto bacdamaa uu wakhitgiisa uu dhamaaday 7-February.

Walaaca ugu badan ee shirkaasi baajin kara ayaa lagu soo koobay Qodobada hoose ku xusan:-

-Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku yimid casumaad ay u fidiyeen Wakiilada Beesha Caalamka, waxeyna aamisan yihiin inuusan xiligaan Farmaajo heysan Awood sharciyadeed oo uu shir ku gudoomiyo.

-Iyadoo laga yaabo iney marka hore ay Shir wada tashi ah ay yeeshaan 5-ta Maamul Goboleedyada khilaafyada dhexdooda ah iska arkaan isla markaasna xaliyaan.

-Shirka waa iney garwadeen ka noqodaan Wakiilada Beesha Caalamka si loo badbaadiyo inuusan shirku fashilmin.

-Qorshaha Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ah in ahmiyad la siiyo Madasha Badbaado Qaran iyo Bulshada Rayidka si loo balaariyo inkastoo aysan aheyn ahmiyadooda 1-aad.

-In Xal loo helo Doorka hogaamineed Ee Farmaajo shirka ku yeelan karo, iyadoo Su’aalo laga keenay Maqaamkiisa.

-Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa weli ku dhegan iney shirka casumaadiisa iyo abaabulkiisaba iyaga qaataan, sidoo kale waxey Kooxda Farmaajo doonayaan in goobta amniga Shirka iyaga la wareegaan, iyagoo Ciidamo badan ku wareejiyay xeyndaabka Afisioni, Garoonka diyaaradaha iyo Xalane, kuwaasoo Xaalada sii adkeeyay.

-Waxaa kaloo marka hore xal u baahan Khilaafka u dhaxeeya Mr.Dani iyo Qorqor, iyadoo Khilaafkaan ay gadaal ka riixaayaan Villa Somalia.

-Waxaa laga yabaa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay qaataan go’aan iney dib ugu noqdaan degaanooda hadii aan marka hore la xalin Ciidamada lagu wareejiyay saga shirka.

-Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay ineysan Weli qaadan mowqif ay ku mideysan yihiin, iyagoo qaarkood lagu Eedeeyay iney la safan yihiin Farmaajo.

103590cookie-checkShirka Berito & Qodobada Ku hor gudban Qabsoomidiisa