Abaabulka Mooshino Iska soo horjeeda Oo Laga wado Magaalada Dhuusa mareeb

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay ee Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaa soo jiitamaayay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha (Qorqor) iyo kuxgeenkiisa (Cali Ciid), Khilaafkaan ayaa salka ku haya arrimo badan oo isbiirsaday ayna ka mid tahay Arrimaha maareynta Maamulka, Dhaqaalaha & Doorashada…

Isku dayo badan oo lagu xalinaayo Khilaafka ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyadoo xiisada labada Nin uu sii xumaaday kadib markii Villa Somalia si bareer ah ula safatay Mr.Qorqor isla markaasna culeys ku saartay dib u howlgelinta Wasiirka Arrimaha gudaha oo 29-kii bishii May ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne ku xigeenku xilkii ka qaaday wasiir Cabdi Waayeel oo ay isku heyb yihiin.

Qorqor ayaa la sheegay in xiisadaani sii kiciyay, kadib markii uu shaqada dib ugu soo celiyay Cabdi Waayeel isla markaasna Dhaqaalihii Gunnadii ka jartay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Cali Ciid oo muddo dalka ka maqan, iyadoo talaabadaan ay horseeday in Abaabul Mooshin oo iska soo horjeeda laga wado magaalada Magaalada Dhuusa mareeb.

178270cookie-checkAbaabulka Mooshino Iska soo horjeeda Oo Laga wado Magaalada Dhuusa mareeb