Kalsooni Darrada Is-Aamin La’aanta Oo Hortaagan Doorashada & Nabada

Somalia news

Muddo Bilooyin ah ayaa Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobolada waxey mashquul ku yihiin sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka Doorashada, Ciidamada Gobolka Gedo, Guddiyada Doorashada iyo Xulista Xildhibaanada Degaanada Waqooyiga ka soo jeeda, iyadoo dhinacyadaan aysan dhexdooda ay ka jirto Kalsooni darro, is/eedeyn iyo is-aami la’aan…

Ujeedada Kulamadaan ayaa laga rabay in laga bilaabo kalsooni dhisida (Ice breaking) kadibna in la dejiyo Ajandayaasha wada hadalada ku saabsan Doorashada Dalka, kadibna daraasad lagu sameeyo qaabka ay suurto gal tahay inuu ku bilaawdo jawiga wada hadalka, iyadoo lagu saleynaayo is xurmeyn aragtida Shaqsiga ah.

Arrin kale oo culeyskeeda leh ayaa la tilmaamay iney tagay in Diblomaasiyiinta ku howlan arrintaan ay kala taageerayaan darafyada, sidaas awgeed kooxhaan midna ma dareemin in wax la isku heysto iney tagay Masiirka Ummada Soomaaliyeed oo xiligaan adag Ee kala guurka u baahan in si Nabad ah u dhacdo Doorashada.

Prof.Kabire ayaa sheegay in laga yaabo in 4- sano kadib in mar kale wada hadalo Doorasho oo muran leh ay yeeshaan Kooxaha Siyaasada Somalia, wuxuuna sheegay in hadii xitaa laga gudbo jahwareerka Khilaafka Doorashada dhibaatooyinka laga dhaxlo murankaan ay qaadan doonto muddo sanooyin ah in laga soo kabsado, waayo waxaa lumay Kalsoonidii iyo Is-aaminidii u dhaxeeysay Dhinacyadaan.

Dad badan ayaa aaminsan in Wakiilada Beesha Caalamka ay iska indhatireen caalamadaha muujinayaa in xiisada ay sii kordheyso, ayna habooneyd in la xasuusiyo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu dhowro Sharciga iyo Dastuurka lagu heshiiyay, digniin La’aanta Daneeyayaasha Arrimaha Somalia ayaa la sheegay iney dhiiri gelin siisay inuu Mr.Farmaajo isku dejiyo Kursiga.

109250cookie-checkKalsooni Darrada Is-Aamin La’aanta Oo Hortaagan Doorashada & Nabada