SHEEKH MUSTAFE:-“DHISIDDA DAMIIRKA AYAA KA HABOON KASBASHADA AQOON BADAN” 

Somalia news

Sheekh Mustafe Ismaaciil, oo sanado badan ku soo jiray fidinta Diinta Islaamka, ayaa si qoto-dheer uga hadlay aqoonta badatay iyo dadnimo-wanaagga yaraaday. Sheekhu wuxuu sheegay in aqoonta badani u horseeday Soomaalida ka dhiidhin-waaga lunsashada hantida dadweynaha. “Weliba waa la amaanaa qofka lunsada hantida dadweynaha” ayuu Sheekh Mustafe yiri..

Aqoontu waxay noqotay Farsamo wax lagu boobo, lagu soo saaro hub jiritaanka aadanaha tirtiri kara, aalad lagu dibindaabyeeyo dunida laga awood-roon yahay, ayuu Sheekhu yiri, Taas waxaa dheer sida dalalka isu yaqaan “dalalka hore u maray”, gaar ahaan Galbeedka, ay ugu guntadeen fidinta dhaqammadooda liddiga ku ah diinta Islaamka.

Sanadkii hore madaxa Sirdoonka dal reer Galbeed ah ayaa u sheegay idaacad in shaqadoodu tahay fidinta qiyamka dalka (waxyaabaha dalkiisu ku dhaato), Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku dhaataan in carruurta dugsiyada loogu dhigo in guurka nin iyo haweeney yahay guur dhaqameed (traditional marriage), laakiin ay jiraan guurar kale (tusaale, laba nin oo wada nool ama laba dumar oo wada nool, in ilmuhu yeelan karo laba aabbe ama laba hooyo). Ma oran karno way isu dhaxaan laba qof oo isku jinsi ah.

Dib u qeexidda gurracan ee guurka

Macnihii guurka isbeddel ayaa ku dhacay sida ku cad qaamuusyo badan sida Oxford English Dictionary iyo Merriam Webster. Guurka waxay qaamusyadu ku qeexaan xiriir sharci ah oo dhexmara laba qof oo uu isu dhaxa. Qeexiddi hore waxay ahayd: xiriir sharci ah oo dhexmara qof lab ah iyo qof dheddig ah si ay nolol u wadaagaaan.

Qeexidda cusubi waxay dhiirrigelinaysaa in laba qof oo isku jinsi ah nolol wadaaagi karaan iyadoo mid ka mid ah loogu yeerayo seyga ninka kale ama afada haweeneyda kale.

Sidee haddaba Galbeedku u fidiyaa dhaqammada siyaasadaysan oo sarreeysiinaya waxa loo yaqaanno ilbaxnimada galbeedka? Galbeedku wuxuu ku fidiyaa dhaqammadiisa waxa loo yaqaanno xuquuqda aadanaha, oo marka xiriirka dadka laga hadlayo ku qotonta in qofka qaangaarka ahi siduu doono u noolaan karo, in wixii anshax-darro ahaa hadda laga dhigay wax sharcigu bannaynayo waayo waa doorashada qofka inuu siduu doono u noolaado haddii uusan wax dilaynin ama xadaynin ama xadgudub kale samaynaynin, In ka badan dhowr iyo konton sano ka hor Biritayn waxa baabbi’isay sharci dambi ka dhigi jiray ragga wax isu doonta.

Dhaqan fidintu waxay la socotaa yabooha uu dal bixinayo. Haddii dal uu gacanta hoorsado waxaa xigta in lagu qasbo fidinta dhaqan-xumo ku duulaysa baalasha “xuquuqda aadanaha”. Gacanta sare waxay rumeysan tahay inay gacanta hoose ka dhaqan wanaagsan tahay.
Waxaa xusid madan in dalalka Galbeedku ay maanta la rafanayaan hoos u dhac tirada dadka waayo macnihii guurka ayaa la beddelay. Marka nin iyo haweeney isguursadaan baa la filaa in taran dhici karo. Dallada LGBTI waa ciidanka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed oo ah gumeysiga cusub ee hadda socda. Waa arrinta uu Sheekh Mustafe Ismaaciil nagu baraarujiyay, Eebe ha dhowro Sheekha.

174120cookie-checkSHEEKH MUSTAFE:-“DHISIDDA DAMIIRKA AYAA KA HABOON KASBASHADA AQOON BADAN” 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com