Mashruuca Dekada Hobyo Iyo Abaabulka Loogu Jiro

Somalia news

Waxaa xalay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo lagu daahfuraayay mashruuca dhismaha ee Dekeda Hobyo, iyadoo daahfurkeedana si weyn looga soo qaybgalay…..

Madasha munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug, Golihisa Wasiirada, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo, ganacsatada deegaanka iyo marti sharaf kaloo ballaaran.

Intii ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa jiray yabooh lacageed, oo loo sameeyay dhismaha iyo horumarinta Dekeda Hobyo. Dhinacyadii ka qaybgalay munaasabadda ayaa in ku dhow 100- millions US$ ugu deeqay Dekeda Hobyo.

Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa noqday shakhsiga 1aad ee lacagta ugu deeqay Dekeda Hobyo, isagoona ugu yaboohay adduun lacageed oo dhan toban kun oo lacagta Mareykanka ah ($10,000). Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa iska soo daba-dhacayay dadka lacagaha ku yaboohaya dhismaha dekedan, oo ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Prof. Cabdiqaadir Maxamed Shirwac, Gudoomiyaha Golaha Hoggaaminta ee Beesha Habargidir ayaa ballanqaaday in beeshiisu ay konton milyan oo lacagta Mareykanka ku yabooheyso dhismaha Dekeda Hobyo.

42810cookie-checkMashruuca Dekada Hobyo Iyo Abaabulka Loogu Jiro