Kalsooni Darrada Siyaasadeed & Amni Oo Ka Turjumeysa Salaadii Janaasada Marxuum Cali Mahdi

Somalia news

Maamuuskii Salaadii Jinaasada ee lagu Sagootinaayay Madaxweynihii Hore Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa waxey ka turjumeysaa heerka Kalsooni darada siyaasadeed iyo tan amni ay gaartay in Salaanta Islaamka la iska qaadi waayaan Dhinacyadaan isku haya Siyaasada Dalka….

Warbixinada Warsidaha Diinah.con news uruuriyay ayaa muujiyana in xitaa Madaxweynaha Jubbaland oo degan meel wax ka yar hal KM u jirta halkii salaadda janaasada lagula dukaday Meydka Cali Mahdi uusan ka soo qeyb gelin xaalad amni darteed, maxaa yeelay Ilaalada Mr.Farmaajo oo u badan Beesha uu ka soo jeedo

Sidoo kale janaasadda waxaa ku sugnaa ilaalada gaarka ee Musharaxiinta Mucaaradka iyo Madaxda xilligan, waa tan keentay taag taaga in AMISOM dhammaan u diido Madaxdi hore inay hub la galaan oo ugu dambeyn markii xaalka xumaaday la ogolaaday Istaafka Madaxdii hore.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland berito ayaa la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Mogadishu, iyadoo aan ogeyn xaalka labada Madaxweyne Galmudug iyo K/Galbeed, Haddiiba xaalka sidaa yahay oo kalsooni darada ay sii xoogeysatay sidee doorasho lagu kalsoon yahay u dhici doontaa, mase yaqiinsadeen Wakiilada Beesha Caalamka ineysan dhinacyadaan heshiis dhex dhigi karin.

101120cookie-checkKalsooni Darrada Siyaasadeed & Amni Oo Ka Turjumeysa Salaadii Janaasada Marxuum Cali Mahdi